Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Shangaani.
Guddoomiyaha Shangaani waxa loo magacaabay Aweys Camuudi, iyadoo xilkaasi ay ka geeriyootay Guddoomiyihii hore Sahra Markeesi oo ka mid ahayd dadkii ku dhintay qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 24 July 2019.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu dhowaan soo magacabo guddoomiyeyaasha laba degmo oo iyaguna ay geeriyoodeen gudoomiyeyaashooda, kuwaasoo kala ah: Waaberi iyo C/Casiis