Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa caawa casho sharaf gurigiisa ugu sameeyay duubabka dhaqanka iyo wasiirada kasoo jeeda Beesha Muddulood.
Kulanka ayaa ahaa kala war qaadasho, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu warbixin kasiiyay duubabka iyo siyaasiyiinta Beesha uu kasoo jeedo horumarka Gobolka iyo qorshaha uu damacsan yahay si loo hormariyo maqaamka caasimadda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay dhammaan odayaasha dhaqanka Beesha, wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo marti sharaf kale. Waxaana kulanka la isku dhaafsaday tallooyin iyo fikrado ku saabsan xaaladda Gobolka Banaadir iyo sidii dowladda Federaalka loola shaqeyn lahaa.