Sunday, April 27, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay Dib u dhiska Wado Caan ka ah Muqdisho [Sawirro]

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wado muhiim ah oo burbur weyn soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wadadda caanka ah ee Jeneral Daa’uud ayuu sheegay Guddoomiyaha G/Banaadir in muddo kooban dib loogu dhisi doono, waxayna wadaddan iskju xirtaa Degmooyinka Boondheere Iyo Wardhiigley laga bilaabo Taalada Daljirka Dahsoon illaa Wadada Sodonka.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mashaariic uu hirgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan dhismayaasha waddooyinka bur buray. Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilligan wada dhismaha wadada 30-ka oo ah wado halbowle u ah isku xirka degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Ad

Wadadan waxay muhiim u tahay isusocodka bulshada, ganacsiga & bilicda Caasimadda. Gudoomiyaha oo saxafada lahadlay waxa uu aad ugu dheraday arimaha amaanka. Ciidamada Nabadgilyada ayuu ugu baaqay in ay sugaan amniga howladenada dib udhiska kuhowlan. Bulshada kudhaqan 2Dagamo ee Boondhere iyo Warta-nabadda oo lamigan udhaxeyo ayuu gudoomiyaha ugubaqay in ay kafa,ideystaan ayna kashaqeyaan nadaafadda degaanka. Thabit waxa uu shegay lacagta lagudhisayo lamigan in ay iskakashanayan maamulka gobolka iyo ganacsato soomaliyeed.

Waa wadaddii labaad oo bishan gudaheda uudhagaxdhigo gudoomiyaha gobolka tasoo muujineyso in dowladda hoose ee xamar ay kudadaleyso soocelinta bilicda caasimadda.

Wadada Jeneraal Daa’uud ayaa waxaa sanadkii 2012 dhagax dhigay Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif, iyadoo xilligaas Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ay gacan ka geysaneysay dhismaha wadadan, iyadoo u wakiilatay Telefishinka Universal, hase ahaatee mashruucaas ayaa noqday mid fashilmay oo aan hirgelin, lamana oga halka ku baxeen lacagihii laga soo uruuriyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.

- Advertisement -

DAAWO SAWIRRO

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON