Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa maanta tegay xarunta UNSOM ee Xalane, halkaasoo uu kulan lula yeeshay Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.
Kulanka ayaa ku saabsanaa wada-shaqeynta iyo xiriirk labada dhinaca, iyadoo Guddoomiyaha G/banadir uu kala hadlay Wakiilka Q/Midoobay xoojinta taageerada Q/Midoobay siiso caasimadad iyo mashaariicda ay ka wado Gobolka banaadir, waxaa kaloo kulanka looga hadlay dardargelinta dhismaha Wadooyknka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka, dhalinyarada.
Wakiilka Q/Midoobay ayaa balanqaaday inuu xoojin doono wadashaqaynta Q/Midoobay iyo Maamulka Gobolka Banaadir. James Swan ayaa lagu xasuustaa inuu xarunta G/Banaadir tegay 24-kii July 2019, iyadoo saacado yar kadib markii uu halkaasi kula kulmay guddoomiyihii hore ee G/banaadir uu qaraxa ka dhacay, kaasoo sababay dhaawacii iuu u geeriyooday C/raxmaan Yariisow.



