Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xilalkii ka qaaday agaasimeyaasha waxbarashada iyo Caafimaadka e Maamulka Gobola Banaadir, isagoo magacaabay agaasimeyaal cusub.
Magacaabista iyo xil ka qaadista mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka ah olole balaaran oo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku bedelayo agaasimeyaasha maamulkiisa, waxaana xilalkii laga qaaday Agaasimihii waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur iyo Agaasimihii caafimaadka Gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Caddow.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Cabdifitaax Barre u magacaabay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada maamulka Gobolka Banaadir; halka Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay C/rahman Axmed.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaan bixin adeegyadii shacabka ee looga baahnaa sida nadaafadda, waxbarashada iyo caafimaadka, waxayna Agaasinka u qaabilsan howlahan yihiin kuwo waxqabadkooda aad u hooseeyo.