Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta furay wad ay dhisteen dadweynaha degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Amniga ayaa saaka xiray isku socodka wadooyinka gala Isgoyska mashquulka badan ee Baar Ubax, iyadoo Guddoomiye Filish uu xariga ka jaray Wadadda isku xirta Isgoyska Baar Ubax iyo Jidka Warshadaha oo muddo dheer ahayd waddo burbursan, balse ay dadka degaanka iyo ganacsatadooda dhisteen, waxaana dhismaha fuliyey Shirkadda Buruuj.
“Wadaddaan waxay muhiim u ahayd isku socodka gadiidka iyo dadweynaha. Shirkadda Buruuj waxay dhistay laamigaan, sida uu sheegay odaygii codka Degaanka ku hadlaayey lacagta lagu dhisay waxaa laga ururiyey dadka degaanka..” ayuu yiri Cumar Filish oo qirtay in dadka degaanka ay dhisteen Wadadda uu maanta furay.
Dhinaca kale Bogga Facebook ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu qoray inuu dhismaha Wadadda qeyb ka qaatay maamulka Gobolka Banaadir.
Maamulka G/banaadir ayaa inta badan sheegta inuu gacan ka geystay dhismaha Wadooyinka caasimadda oo Ganacsatada iyo dadka degaanka ay ku dhistaan lacag ay iska ururiyeen markii ay waayeen cid u dhista, iyadoo madxda Gobolka ay halkaasi u tagaan inay xariga ka jaraan.

