Sunday, March 16, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo magacaabay Agaasimeyaashii ugu horeeyay (Akhriso)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magacaabay agaasimeyaal cusub, isagoo bedelay agaasimeyaashii hore ee maamulka Gobolka Banaadir.

Wareegtooyin magacaabis ah oo uu soo saaray Duqa Muqdisho ayuu xilalkii uga qaaday qaar ka mida agaasimeyaasha maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna magacaabay agaasimayaal cusub oo ay ka mid yihiin xubno hore u soo noday guddoomiyaal degmo dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar ka tirsan xisbiga UDP.

1- Ahmed Nuur Cabdi Siyaad – Waxaa loo magacaabay Agaasimaha Canshuuraha Gobolka Banaadir -.

Ad

2- Qaasim Cabdulle Xasan – Waxaa loo magacaabay Agaasimaha xafiiska Duqa Muqdisho -.

3- Cabdirashiid Cabdullaahi Salaad – Waxaa loo magacaabay Agaasimaha Dad-dhigista Gobolka Banaadir-.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hore u bedelay qaar ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo maanta bilaabay inuu bedelo agaasimeyaasha Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku guuleysan inuu bedelo guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir, iyadoo ay weli shaqeynayaan guddoomiye ku xigeenadii hore ee uu magacaabay madaxweynihii hore ee C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON