Sunday, March 23, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulankii labaad ee siyaasadeed la yeeshay Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo K/Galbeed

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Casho sharaf u Sameyey Madaxweyniyasha Dowlada Goboleedyada Koonfur Galbeed Iyo Hirshabeelle.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ahaa isbarasho iyo kala war qaadasho looga hadlay sidii wada shaqeyn u dhex mari lahayd Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele. Waxayna Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyaha G/Banaadir Casho sharaf,

Guddoomiyaha G/Banaadir oo muddo bil ka yar xilka haya ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyadii ugu horeeyay ee siyaasadeed, isagoo dhowaan isugu yeeray xildhibaannada beelaha Hawiye, waana kulankii siyaasadeed ee labaad, waxayna labada maamul xiriir fiican la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON