Monday, February 10, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Gudoomiyeyaasha degmooyinka ugu hanjabay in xilka looga qaadayo haddii..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada MuqdishoCumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir ugu hanjabay inay xilkooda ku weyn doonaan haddii aysan waxba ka qaban dilalka ka dhaca degmooyinka ay mas’uulka ka yihin.

Isagoo xarunta degmada Deyniile kula hadaleyay kulan uu la yeeshay saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka ayuu sheegay in guddoomiyihii degmadiisa qof lagu dilo ee ku guuldareysta inuu soo qabto Ciddii dilka geysatay uu xilkiisa ku weyn doono, isla markaana degmadaasi loo magacaabi doono sarkaal ka tirsan ciidamada Milatariga oo heysta gaadidka dagaalka, awoodna u leh inuu soo qabto dadka dilalka geysta.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishooda ku bogaadiyey sida ay naftooda iyo dhiigooda ugu huraan xoreynta dalka iyo dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON