Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa u digay xubno ka mida Guddigaasi oo shalay tegay magaalada Garbahaarey.
Qoraal uu soo saaray goor dhoweyd ayuu ku sheegay in xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii Guddiga ee 13-kii April 2022 ay ku sifoobi doonaan inay caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Ujeedo: Wargelin
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federal oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa waxuu go’aan wadar ogol ah, waafaqsanna xeerhoosaadka guddiga ku soo saarey warqadda sumaddeedu tahay GHDHF/56/2022 kuna taariikheysan 13 April 2022 ujeedadeeduna ahayd in Garbahaarey laga wareejiyey qabashada doorashada sababa jira awgeed, loona wareejiyey Ceelwaag oo isla Gobolka Gedo ah.
Hadaba, Gudoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal waxaa uu baaq u dirayaa xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ee kor ku xusan ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.
Wabilaahi Towfiiq
Gudoomiyaha Guddiga
Muse Geelle Yusuf

