Guddomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) ayaa sheegay in Garoomada Gobolka Gedo aysan ka soo degi karin Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Shir jaraa’id ayuu guddoomiyaha Doolow qabtay maanta, isagoo ka sheegay in masuuliyiinta dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland uu amray in dib loo celiyo, haddii ay isku dayaan inay yimaadaan Gobolka.
Guddomiye Lafeey ayaa sheegtay in wixii hadda ka danbeeya arrimaha Gobolka Gedo isaga lagala xariirayo, isla markaana uu mas’uul ka yahay, inkastoo aanu sheegin cidda awoodaas siisay.
Wararka ayaa sheegaya Gudoomiye Maxamed Lafeey uu gacansaar la leeyahay saraakiisha ciidamdaa Itoobiya ee Gobolka Gedo oo taageero uu ka heysto.
Gobolka Gedo ayaa ku jira xaalad hubanti la’aan ah, kadib geeridii Madaxa Hay’adda NISA Bakaal Kooke oo Alshabaab Qarax ku khaarijisay, waxaana horeba u taagnaa khilaaf ku saabsanaa awoodda Gobolka oo Itoobiyaanka ay dhexdhexaadin ka wadeen.
