Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa shaqo joojin ku sameeyey ilaa 100 kamida Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Qaar ka tirsan Shaqaalaha laga eryey shaqadoda ayaa xaqiijiyey inuu Guddoomiyaha cusub Eng. Yariisow amar ku bixiyey in shaqada laga joojiyey shaqaale gaarayo ilaa 100 oo ahaa kuwa uu shaqaaleysiiyey maamulkii hore ee Thaabit Cabdi Maxamed.
Shaqaalaha la eryey ayaa isugu jiray kuwa cusub ee uu shaqaaleysiiyey Maamulkii Thaabit uu hoggaamin jiray iyo kuwa kale oo horey u joogay halkaas oo laga dhigay mushaari kadib sanooyin badan oo ay maamulka u shaqeenayeen iyagoo aan wax mushaar ah qaadan.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa amray in shaqada laga joojiyey shaqaalihii la qoray iyo kuwii mushaariga laga dhigay bilihii December iyo January oo ahaa labadii bil ee ugu dambeysay ee maamulkii Thaabit Cabdi Maxamed.
Lama ogo sababta rasmiga ah ee ka dambeyso in shaqaalahaan la eryo, waxaana muuqato in meesha laga saarayo shaqaalihiimaamulkii hore ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa shaqaalahaan Digreeto rasmi ah ku shaqaaleeyay balse waxaa arrintaas hadda laalay Eng. Yariisow oo maalmo kooban xilkaasi haya.
“Shaqadii waxaa naga joojiyey Eng. Yariisow, muddoo badan ayaan Gobolka usoo shaqeenayey markii ugu horeysay oo aan mushaar qaadano waxay aheyd markii Thaabit xilkaan loo magacaabay, hal bil oo kaliya ayaan mushaar qaatay, haddana waxaa isoo gaaray farriin naxdin ah oo sheegeysa inuu Yariisow shaqo joojin nagu sameeyey” ayuu yiri mid kamid ah dadkii shaqada laga joojiyey oo ka gaabsaday inaan magaciisa la shaaciyo.
Maamulka cusub ee Gobolka banaadir weli wax faahfaahin ah kama bixin tallaabadaan shaqada hal mar looga joojiyey Shaqaale intaan la eg.