Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ayaa kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay ku xigeenkiisa maamulka iyo Maaliyadda ee xilka sii hayey, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda Gobolka.
Kulanka oo ahaa mid gaara ayuu sheegay ku-simaha Guddoomiyaha G/Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale inuu ahaa soo dhaweyn iyo hambalyeyn uu la qaatay Duqa Cusub ee Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), isagoo uga xog warramay howlaha shaqo ee muhiimka ah ee Gobolka ka socdo iyo sidii aan u dar-dar galin lahayn.
Waxaa socda diyaarinta xaflad xil wareejin ah oo Guddoomiyaha cusub si rasmi ah ula wareegayo xilka loo magacaabay, isagoo bedeli doona Guddoomiyihii hore C/raxmaan Yariisow oo ku geeriyooday qarax ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir