Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir Cumar Maxamuud Maxmed [Cumar Filish] oo khudbad ka jeediyey xafladii uu xilka kula wareegay xalay ayaa balanqaaday inuu wax ka qaban doono saddex arrimood oo muhiim ah.
Isagoo ka hadlayey xaaladda Muqdisho ayuu sheegay inuu dib u furi doono wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, arrintaas oo ay si weyn uga qeyliyeen dadka Muqdisho, wuxuu kaloo sheegay inuusan aqbali doonin cadaalad darro iyo in awood lagu heyso hantida qof shacab ah oo Soomaaliyeed. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu cadaallada ka shaqeyn doono inta uu xilka hayo.
“Waa inaan sugin caddowga inuu maalin waliba laayo dadkii indhaha bulshada ahaa.. taas bedelkeed waa inaan qaadnaa tallaabo aan uga hortegeyno… waxaan si degdeg ah u furi doonaan jidadka kala xiran ee magaalada Muqdisho, iyadoo la adkeynayo amniga…” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka banaadir.
Ma cadda inuu Duqa cusub ee Muqdisho ka dhabeyn karo balanqaadyadiisa, iyadoo ay wax badan ku xiran yihiin xukuumadda iyo madaxtooyada oo amniga caasimadda uu si hoos ah u hoos tago.