Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey lacagta cusub ee la filayo in dowladda Somalia ay soo daabacdo.
Isagoo maanta la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa ka warbixiyey Lacag cusub oo Shillin Soomaaliga ah oo la sheegay in lacagtaasi la soo daacacayo ay tahay mid ay adag tahay in la been abuuro, ujeedkuna yahay in suuqa laga saaro lacagta faalsada ah ee suuqa ku jirta.
“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah 1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xiga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.s , marka ugu horeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.
Guddoomiyaha ma sheegin xilliga lacagta cusub la daabacayo iyo in lacagtii lagu daabici lahaa la helay, iyadoo dhinaca kale ay dood ka taagneyd nuqul ay soo bandhigtay wasaaradda maaliyadda oo markii danbe wasiir Beyle uu sheegay inuu ahaa draft oo aanay jirin lacag la isku raacay.
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa in dib u howlgelinta Bankiga dhexe ay 10 sano jirsatay, ayna wax badan u qabsoomeen oo horumar ah, haddana ay socoto casriyeenta habka shaqo ee Bankiga.