Thursday, February 22, 2024

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo difaacay Shatiga ay siiyeen Banque Misr iyo Ziraat Katalim Bank

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa difaacay go’aanka ay shatiyo ay ku howlgalaan ku siiyeen laba Banki oo ajnabi ah, lagana leeyahay dalalka Turkiga iyo Masar.

Wuxuu sheegay in markii ay dalbadeen labadan Banki, la hakiyey in la bixiyo wax shati ah si waqti loo siiyo Bankiyada gudaha, balse hadda ay labadan Banki ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu xiray, lana go’aamiyey in la siiyo ruqsadda.

Labada Banki ee Banque Misr oo laga leeyahay dalka Masar iyo Ziraat Katilim oo laga leeyahay dalka Turkiga ayuu sheegay inay Laamo ka sameysan doonaan Muqdisho, ayna bixiyaan adeegyo Corporate Banking ah, waqtiga ruqsadda la siiyeyna dib loo eegayo sanad waliba, lagu kala magacaabaa

Ad

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay inay labadan Bamki leeyihiin lacag keyd ah oo malaayiin Doolar ah, ayna bixin karaan dhammaan adeegyada Banki ee dunida ka jira.

“Shati siintan waxaa lagu ansixiyey shir ay yeesheen Guddiga Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya 02/Luulyo/2022. Howshan oo in muddo ah socotay ugu dambeyntii Guddiga Maamulka Bankiga waxay ku qanceen in labadaas Bangi ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa lagu soo beegay xilli la filayo inuu maanta dalka Turkiga socdaal shaqo ku aado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna wararku sheegayaan inuu madaxweynaha amar ku bixiyey bixinta ogolaanshaha Bankiyadan oo in muddo dalabkoodu taagnaa.

- Advertisement -

Wuxuu meesha ka saaray inay saameyn ku yeelan doonaan Bankiyada Gudaha ee Soomaalidu leedahay, balse wuxuu ku dooday inay fursado badan abuurayaan oo ay ka mid tahay shaqaaleysiinta dad Soomaali ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON