Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu xilka is casilay.
Guddoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyey inuu xilkii guddoomiyenimada iska casilay, isagoo go’aansaday inuu xilka ka dego markii uu eegay arrimo fara badan, wuxuuna BBC-da u xaqiijiyey inuu xilka isla casilay, isagoo diiday inuu faahfaahin ama wareysi dheeraad ah ka bixiyo.
Arrintan ayaa soo afjareysa wararkii la isla dhex marayey ee ku saabsanaa is-casilaadiisa oo ay hore u xaqiijiyeen Madaxweynaha, iyo xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Jawaari oo hore u sheegay inuu madaxweynaha ka codsaday inuu is casilo isaguna uu diiday, basle waxaa lagu wadaa inuu Arbacadda si rasmi ah is-casilaadiisa uga dhawaaqo kulan ay yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya.