Wednesday, February 19, 2025

Guddoomiyaha Alshabaab ee G/Banaadir oo Lacago Zeko ah u qeybiyay Dad degan Muqdisho & muuqaalkiisa oo la shaaciyey

Alshabaab ayaa markii ugu horeysay shaacisay muuqaalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ugu qaabilsan ee loo yaqaan Waalliga Wilaayada Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Carraale, isagoo lacago Zeko ah u qeybinaya dad la sheegay inay Muqdisho degan yihiin.

Warbaahinta Alshabaab ayaa shaaciyey muuqaalka Guddoomiyaha Alshabab Gobolka banaadir iyo Dad dan yar ah oo gaaraya 150 qoys lacago u qeybinaya, iyadoo aan la sheegin goobta ay munaasabadda lacag qeybinta ka dhacday. Qoys kasta ayaa la sheegay in la siiyey laca dhan 500 oo Doolar oo ah qaado kasoo gaartay Zakada la qeybiyey.

Sheekh Muuse Cabdi Carraale oo hadda ah Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa hore u ahaa afhayeenkii ururkii Xisbul Islaam ee Alshabaab ku biiray, waxaana uu hawada ka maqnaa muddo sanado ah inta aan xilkan cusub loo magacaabin.

Ad

Alshabaab oo lacago fara badan ka qaata Ganacsatada Gobolka Banadir ayaa xilliyo kooban soo bandhigay dad yaro oo ay lacago ay ku sheegeen Zeko u qeybiyaan.

Guddoomiyihii hore ee Alshabaab u qaabilsanaa G/Banaadir ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday Gobolka Sh/hoose July 2017, kadib markii diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka ay duqeeyeen Gaari uu la socday.

Sheekh Muuse Cabdi Carraale,
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON