Wednesday, April 23, 2025

Guddiga Xuduudaha oo farageliyay Muranka xuduudeed ee Hiiraan & Galgaduud

Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka ayaa markii ugu horeysay si toos ah u faragelinaya muran ka taagan xuduuda u dhaxeysa laba gobol.

Guddiga ayaa la sheegay inuu maanta maamulka Gobalka Hiiraan kala hadli doono xuduuda ay la leeyihiin Gobalka Galgaduud, kasoo dagaallo beeleed ay ka dhaceen dhowaan.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolkaasi Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in guddiga Xuduudaha ay kala xaajoonayaan arrimaha xuduudaha, ayna jireen wadatashiyo badan oo arrintan lagala yeelanayo shacabka gobolka Hiiraan.

Ad

Kulan ay shalay yeesheen maamulka Hiiraan, Guddiga xuduudaha iyo Odayasha dhaqanka ayaa looga hadlay arrintan, waxaana kulanka labaad ee maanta uu gaar u yahay Guddigan Xuduudaha iyo Federaalka iyo maamulka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan ayuu sheegay guddoomiye ku xigeenka inay khilaafaad ka jiraan xuduudaha uu la leeyahay Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

- Advertisement -

Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka ayaa loo arkaa mid uga sii dari doona xaaladda oo dalka ku soo kodhin doona muran xuduudeed gudaha dalka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON