Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban 2020/2021 ayaa ka hor yimid qodob ka mid ahaa habraacii Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ay shalay soo saareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in qodobka 3-aad, faqradiisa 9-aad ay si toos ah uga hor imaaneyso shaqadii Guddiga xalinta khilaafaadka ee oo lagu dhisay Heshiiskii 17 Septembar 2020, Habraacii 1-da October ee lagu dhisay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban 2020/2021, Heshiiskii 27 May 2021 iyo War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021.
War-saxaafadeedka Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka ayaa lagu yiri: “Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021 asaga oo tixraaceyna “Habraaca Doorashada Golaha Shacabka BFS ee Gobolada Waqooyi (Somaliland)” ee soo baxay Tr: 30/10/2021, Qodobka gaad farqadiisa 12aad ee u qoran sidatan: (Wixii Khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxaa xallin doona oo go’aan kama danbeys ah ka soo saaraya Gudoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland) wuxuu cadeynayaa in qodobkani uu si toos ah uga hor imaanayo mas’uuliyaadka loo igmadey Guddiga Xalinta Khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood shari ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha Doorashooyinka dadban 2020-2021.
Ugu danbeyn, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, wuxuu ugu baaqay Gudoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland in ay si deg deg ah u saxaan Qodobka 3-aad farqadiisa 12aad ee Habraaca Doorashada Golaha Shacabka BFS ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo ay waafajiyaan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo Habraacyadii ay soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.
