Thursday, February 13, 2025

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo Dacwadaha 25 Kursi ku celinaya Golaha Wadatashiga

Guddiga Xallinta Khilafaadka Doorashooyinka ayaa soo bandhigay Cabashooyinka rasmiga ee ay go’aanka ka gaareen, Dacwadaha dib ay ula noqdeen dacwoodayaashu, cabashooyinka aan saxsanayn iyo 25 dacwo ay u gudbinayaan Gollaha Wadatashiga Qaranka.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ilaa 25 dacwad ay ku celin doonaan Golaha Wadatashiga marka ay dhammaato Doorashada dadban, iyaguna ay iska gudbinayaan oo ay go’aan ka gaadin.

“Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban wuxuu gacanta ku hayaa Shan iyo Labaatan (25) Dacwo oo aan buuxin shuruudaha Habraacyada Doorashooyinka dadban ee 2020-2022. Dacwadahan 25-ka ah waxaa ku jira Cabashooyin aan la dhayalsan karin oo muujinaya in xuquuqo badan lagu tuntay” ayaa lagu yiri Qoraalka Guddiga.

Ad

Guddiga oo faahfaahiyey kiiskaska ay is dhaafinayaan ayaa qoraalkooda ku yiri: “Xuquuqaha lagu tuntay waxaa ka mid ah sharciyada da’da Xildhibaano haysta natijada ku meelgaarka ah, Kuraas dumarka oo aan la buuxin, Hor-istaag siyaasadaysan oo lagu sameeyay muwaadinüinta qaarkood sida inuu u safro Deegaan Doorshadiisii/deedii iyo kuraas loo weeciyay jufo kale”.

Dacwooyinka 25-ka ah ayuu Guddiga Xalinta Khilaafka sheegay inuu la sugayo inta ay ka soo idlaanayso 26-ka kursi ee ku harsan Dawlad Goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeele.

“Guddiga Xalinta Khilaafaadka wuxuu horgayn doonaa dacwooyinkaas Gollaha Wadatashiga Qaranka ayagoo shaacin doona sumada kursi walba (HoP) oo dacwad laga keenay ka hor inta aan la horgayn Gollaha Wadatashiga Qaranka”

No photo description available.
No photo description available.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON