Guddiga uu dhowaan magacaabay Ra’iisal wasaaraha ayaa kulankoodii ugu horeeyay oo ay la yeesheen Xasan Cali Kheyre kadib kasoo saaray amarro ku socda Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga oo ah Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaarad waliba laga doonayo in sanadkan gacanteeda dib ugu soo celiso ugu yaraan saddex hanti dawladeed oo ay leedahay oo aan cidna heysan iyo laba hanti oo Shaqsiyaad ama shirkado gaar ah loo leeyahay ay heystaan, kana shaqeysiiayaan.
Guddiga oo aan sheegin inay wax tirakoob ah hayaan ayaa dhinaca kale sheegay inay shaqadani quseyso guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, waxaana wasiir Goodax uu sheegay in Guddigooda ay is qaabeeyeen, waxqabadka ee Guddiga shaqadiisa sanadkan ay tahay in ururiyaan xogta dhulka dowlada ee hantida guud, kadibna khaanado loo sameeyo.
HOOS KA DHAGEYSO