Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa dib ugu celiyey wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya magacaabid iyo dallacaad uu sameeyay wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).
Qoraal kasoo baxay Guddiga Qaranka Shaqaalaha ayaa lagu sheegay inay dib ugu celiyeen kadib markii Guddiga Dallaacada ee Wasaaradda Warfafinta aysan dhammeyn tiradii (kooramka) ee go’aan ka qaadan kartay, iyadoo 6 ka mid ah xil ka qaadista lagu sameynayo sida uu qabo sharciga Shaqaalaha.
Wasiir Maareeye ayaa markii xilka loo magacaabay isbedel weyn ku sameeyay wasaaradda isagoo xilalkii ka qaaday lix agaasime, isla markaana magacaabay bedelkooda.
HOOS KA AKHRISO
