Saturday, March 22, 2025

Guddiga Monitoring Group ee Q/Midoobay oo Xog Xasaasi ah ka faafiyey falalka Imaaraadka ee Somalia

Warbixin sanadeedka ay soo saareen Guddiga la-socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya (Montiring Group) oo aan weli la shaacin, balse la tusiyey Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay Xog ku saabsan falalka dowladda Imaaraadka Carabta ka wado Soomaaliya.

Warbixinta Monitoring  ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu hub sharci darro ah geeyo dalka Soomaaliya. iyadoo markab hub oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya ay ku lug yeesheen dalalak Imaaraadka iyo Sacuudiga, hubkaas oo laga iibiyey dalka Bulgaria sanadkii 2016 ayaa la xaqiijiyey in Sacuudiga iyo Imaaraadka laga iibiyey, kana yimid dalka Yeman.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay olole ugu jirto sidii ay naafeyn lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo arrintaasi  u adeegsaneysa saraakiil hore oo amniga qaabsanaa, siyaasiyiin iyo madaxda maamul Goboleedyada, waxaana shir ku dhex maray magaalada Nairobi maalin ka hor markii lacag u socotay Imaaraadka Carabta lagu qabtay Garoonka magaalada Muqdisho.

Ad

Guddiga ayaa ka digay in tallaabada dowladda Imaaraadka Carabta saldhig milateri uga sameysaneyso magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ay tahay sharci darro halis ku ah amniga Geeska africa iyo xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo Somaliland.

Imaaraadka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu yahay dalka lasii mariyo dhuxusha sharci darrada ah ee Soomaaliya laga dhoofiyo, iyadoo la geeyo dalka Iiraan, marka  shahaadooyin been looga sameeyo dekadaha Imaaraadka Carabta.

Warbixinta Guddiga Q/Midoobay ayey Aljazeera ka soo xulatay arrimaha ku saabsan dowladda Imaaraadka, iyadoo lagu wado in warbixinta ay dhowaan soo baxdo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON