War kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu joojiyey Doorashadii Kursiga Hop#103, kaasoo laga hor istaagay inuu u tartamo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FIET oo loo diray: Guddiga Doorashooyinka (SEIT) Koonfur Galbeed, lana ogeysiyey Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iial wsaaraha ayaa lagu Hakiyey doorashada kursiga (HoP103).
“Iyadoo ay ka imaanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas, haddaba waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe. Haddaba, amarka hakintaani wuxu soconayaa ilaa inta guddigu ka xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya habraaca loo maray” ayaa lagu yiri Qoraalka Guddiga.
Arrintan ayaa ka danbeysay kulan dhex maray xubno ka mida Guddiga iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

