Guddiga cusub ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.
Guddoomiyaha Guddiga ayey xubnaha si gacantaag ah ugu doorteen inuu noqdo Cabdikariin Axmed Xasan oo kasoo jeeda Galmudug; halka Guddoomiye ku xigeen loo doortay Saadaq Abshir Garaad oo kasoo jeeda Khaatumo/Puntland.
Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay dhistay xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xilsaaray inay dalka ka qabtaan Doorasho Qof iyo Cod ah, iyadoo hannaanka loo maray ay ka horjeedaan maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Xubnaha Guddiga oo ka koobnaa 18 xubnood waxaa kulankoodii doorashada ku sugnaa 17 ka mida, iyadoo ay maqneyd hal xubin, waxaana doorashada guddoonka guddiga goobjoog ka ahaa xildhibaanno iyo wasiirka Arrimaha Gudaha.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabidda Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo xukuumaddu soo magacawday, ayna kulan buuq hareeyay ku ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka.
Magacyada Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:
1) Cabdikariim Axmed Xasan – Guddoomiye
2) Saadiq Abshir Garaad – Guddoomiye ku xigeen
3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
5) Cumar Abuukar Cumar
6) Farxiyo Maxamed Yusuf
7) Dr. Cumar Jamac Maxamed
8) Faarax Cabdi Xasan
9) Sahro Diiriye Muuse
10) Cabdullahi Salaad Yaroow
11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
12) Cabdi Cadow Maxamed
13) Cabdishakuur Abiib Haayir
14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil
15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
16) Naasir Maxamed Shire
17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
18) Maxamed Cumar Ismaciil