Sunday, March 23, 2025

Guddiga Doorashooyinka Federaalka oo War cusub kasoo saaray Doorashada Golaha Shacabka

Guddiga Doorashada Fedderaalka ayaa soo saaray War cusub oo ku saabsan Doorashada Golaja Shacabka ee sida weyn dib ugu dhacday, isagoo xilli kama danbeys ah u qabtay xilliga lagu soo dhammeynayo 273 xildhibaan oo harsan.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tixgelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, isla markaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Nofember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey.

Ad

Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baagayaa guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021.

Waxaan guddigu Dowladda Federaalka ka codsanayaa in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan. Waxaan qaybaha siyaasaadda, daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in 24 Diseembar 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.

Waxaa guddigu intaasi ku daray in ay lagama maar-maan tahay mudadaasi kaddib la galo dhaarinta gollaha shacabka iyo dooraashada madaxweynaha si dalku u yeesho hay’ado dastuuri ah oo si sharci ah ku yimid.

- Advertisement -

Guddiyadu waxay ugu baaqayaan madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo. Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaa uu si deg deg ah u geynayaa dhammaan gobollada doorashadu ka dhacayso agabkii loogu talo galay doorashada wakhtigaan la qabtay ka hor.

Guddigu, waxaa uu ugu danbeyntii ugu baaqayaa madaxda Qaranka, bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha taageeraya Soomaaliya in ay si buuxda ugu hawl galaan mudada doorashada loo qabtay in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka labada aqal ee harsan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON