Wednesday, November 29, 2023

Guddiga Doorashada Puntland Muddo kordhin kooban siiyay Siciid Deni iyo Diidmo ka hor timid

Guddiga Doorashada Puntland ee PEC ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqay Jadwalka doorashada Maamul Goboleedyada ee Madaxweynaha iy xubnaha Golaha Wakiilada maamulkaasi ee sanadka 2024.

Guddiga PEC ayaa sheegay in Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Puntland ay dhici doonto 25 bisha Feb, 2024, taasoo ka dhigan ku dhowaad 2 biood inuu xilka sii joogo Madaxweynaha xilka aya ee Siciid C/llaahi Deni.

Guddiga doorashada Puntland ayaa waxay caddeeyeen in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, iyadoo la bilaabi doono bisha December 2023.

Ad

Arrintan ayaa dhalisay diidmo xoog leh oo ay kala hor yimaadeen siyaasiyiinta Mucaaradka iyo xisbi ka mida kuwa diiwaan gashan, waxayna ku tilmaameen inaan lagala tashan oo ay tahay muddo kororsi iyo sharci darro.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Somaliya Cumar C/rashiid ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Guddiga Doorashada Puntland aanu lahayn sharciyad uu ku kordhin muddo xileedka maamulka, iyadoo aan heshiis laga gaarin, wuxuuna caddeeyay in ujeedka uu yahay in muddo sharciyeedka la dhaafo, kadibna la sii kororsado muddo kale.

Mucaaradka Puntland ayaa soo saaray war ay ku mideysan yihiin oo ay diideen go’aanka Guddiga Doorashada, iyadoo caddeeyay inay doorashada madaxweynaha xilligeeda oo ah 8 Janaayo ku qaban doonaan.

- Advertisement -

Cali Xaaji Warsme oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa isna is weydiiyay su’aashan: “Haddii Madaxweyne lagu doortey muddo-xileed la yaqaan uusan diyaar u aheyn inuu xilkaas baneeyo markii muddo-xileedkiisu dhammaado, hadde maxaan ula dirineynay kacaankii?”.

Siyaasiyiinta Mucaaridka Puntland: “Waxa aan qaadi doonaa tallaabooyin aan ku xaqiijineyno in ay qabsoonto doorashadu.”

Dhinaca kale Hay’adda PUNSA ee Bulshada rayidka Puntland ayaa ka hor timid go’aanada Guddiga Doorashada Puntland oo ay sheegtay inaan wax la tashi ah lagala sameyn.

Sidoo kale Xisbiga Guddoomiyaha Xisbiga SINCAD ee Puntland Eng. Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa sheegay inaysan wax talo ah lahayn go’aanka Guddiga Doorashada PEC, iyagoo weliba kulamo joogto ah lahaayeen, wuxuuna shaaciyay inay aqbaleynin oo go’aan kasoo saari doonaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON