Thursday, April 24, 2025

Guddiga Doorashada lagu muransan yahay oo Qarxiyey Codsi uga yimid Madaxweynaha Galmudug (Akhriso)

Guddiga Doorashada ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey inuu mar kale dib u dhac ku yimid xilligii loo qabtay Doorashada Aqalka sare.

Maanta ayaa la qorsheeyay inay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay soo saaraan liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, balse qoraal kasoo baxay Guddiya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa lagu sheegay in waqtiga la garsiiyey ilaa 5-ta Janbaayo iyadoo toddobaad lagu daray.

“Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021”. ayaa lagu yiri War-saxaafadedeka Guddiga

Ad

Guddiga ayaa qarxiyey xiriir dhex maraymadaxweynaha Galmduug, waxayna war-saxafadeedkooda ku qoreen: “Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare”.

Arrintan ayaa u muuqata mid si kulatagal ah loogu beegsaday Madaxweynaha Galmudug oo magaciisa Guddigu shaaciyey, kadib markii uu dhowaan war-saxaafadeed wadajir ah lasoo saaray Madaxweynaha Puntland, kaaso lagu dalbaday in xal loo helo khilaafka ka taagan Doorashada.

Qoorqoor ayaa ciyaarayey siyaasad uu dhexdhexaad isaga dhigayo, marna wuxuu isku dayyey inuu dheedhexaadiyo Musharixiinta mucaaradka iyo Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaa hadda muuqata inuu culeys weyn kasoo saarmay dhinaca Madaxtooyada, kuna qasban yahay inuu mowqif cad yeesho.

- Advertisement -

Guddiga Doorahda ee Dowladda Federaalka magacawaday oo ay ka maqan yihiin xubnaha Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in xilliga dib loo dhigay Doorashada Aqalka Sare lagu dhammeystirayo hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON