Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa bilaabay qabashada araajida mushariixinta u taagan xilalka ugu sareeya maamulka Galmudug.
Guddiga ayaa maanta araajida ka qabta saddex ka mida Musharixiinta u tartamaysa xilka Madaxwayne ku xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana si rasmi ah u bilowday is-diiwaangelinta musharixiinta.
Dhinaca kale Guddiga Doorashada ayaa shaaciyey in waqtiga Araaji qabashada musharixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka lagu daray 3 maalmood, iyadoo maalinta Jimacaha ee Berri uu shaqeyn doono Guddiga, waxayna hadda is-diiwaangelinta Musharixiinta ku eg tahay 26-ka Janaayo 2020.





