Monday, March 24, 2025

Guddiga Doorashada Federaalka oo Eedeyn culus u jeediyay Golaha Wadatashiga (Akhriso Qoraalka)

“Dib u dhac ku yimaada Jadwalka doorashada dalka waxaa Mas’uuliyadeeda qaadaya Mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaranka”

Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa dib u dhaca jadwalka Doorashada ku eedeeyay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay sheegeen inay siyaasad ahaan dhinacooda u xaniban tahay Doorashada.

Qoraal culus oo ay soo sareen caawa ayuu Guddiga FEIT ku caddeeyay in wixii dib u dhac ah ee ku yimaada Jadwalka doorashada dalka ay mas’uuliyadiisa qaadayaan Mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ad

Waxay fareen Guddiyada Doorashada Maamul Goboleedyada inay muddo 48 saacadood ah kusoo gudbiyaan bilaabahada Doorashada ama ay dadka u sheegeen caqabadaha gortaagan.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Taariikh: Decembar 13, 2021

- Advertisement -

WAR SAXAAFADEED

Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federal (GHDHF) wuxuu cadaynayaa in doorashadii kuraasta aqalka sare soo dhamaatay, ayna bilaabatay kuraasta gollaha shacabka ilaa haddana 24 kursi la qabtay doorashadooda, iyadoo laba ka mid ah natiijadooda guddigu laalay, halka kursi kalana dacwadiisu la taallo guddiga xalinta khilaafaadka.

Waxaan bogaadineynaa Guddiga Maamulka Doorashada ee Somaliland oo si habsami leh doorashada u wada, isla markaasna si dhaw GHDHF ugala shaqeynaya sixitaanka hanaanka, kor u qaadista kalsoonida iyo daah furnaanta doortashada. Waxaan sidoo kale bogaadineynaa Dawlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo doorashada bilaabay, ayada oo ay muhiim tahay in ay dardar geliyaan, lana saxo wixii cabasho ah ee soo baxay bilowga doorashada.

Dhanka kale waxaan ku boorineynaa Dawlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeele inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabaan doorashada golaha shacabka, Waxaan fareynaa Guddiyada Maamulka Doorashada ce sadexdaan Dawlad Goboleed in ay muddo 48 saac ah kusoo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, ayada oo GHDHF ay horey u shaaciyeen jadwalka doorashada golaha shacabka 00 ku asteysanaa 24- Disember 2021, wuxuu guddigu caddeynayaa inuu mar walba ku dedaalayay sidii jadwalkaas loo hirgalin lahaa ayna guddiyada heerarkooda kala duwan dhameystireen diyaar garawga qabashada doorashada.

Haddaba dib u dhaca ku yimaada jadwalka doorashada waxaa mas’uuliyaddiisa qaadaya mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaranka oo siyaasiyan dhankooda uga xanibantahay hawshu. Ayada oo la tixgalinayo xaaladda dalku ku jiro iyo culeyska jiitanka doorashadu ku hayo amniga iyo nolosha guud ee bulshada Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqeynaa Golaha Wadatashiga Qaranka inay gutaan mas’uuliyadda ummadeed ee saaran ayna dedejiyaan doorashada golaha shacabka, iyadoo la raacaya habraacyada iyo hanaanka hawlgalka doorashada, si loo xaqiijiyo daah furnaanta iyo hufnaanta doorashada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON