Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa shaaciyay Xubnaha Guddiga Doorashada Qaran oo uu guddoomiye u yahay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Guddigan waxaa ka mida Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo taliyeyasha ciidamada shanta maamul Goboleed ee dalka, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo uu wehliyo Taliyaha Booliska AMISOM.
Taliyeyaasha Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, K/Galbeed iyo Gobolka Banaadir waxaa magacaaba oo ay hoostagaan Taliyaha Booliska dowladda federaalka, halka taliyeyaasha Booliska Puntland iyo Jubbaland ay magacaabaan madaxda maamulladaasi, taasoo ka dhigeysa inaysan isku awood ahayn.
Xubnaha Guddiga Amniga Doorashada Qaran ee Federaalka:
1- Ra’iisal wasaaraha XXG
2- Taliyaha Booliska Somaliya
3- Taliyaha Booliska AMISOM
4- Taliyeyaasha Booliska Maamul Goboleedyada
5- Taliyaha Booliska G/Banaadir
