Shirkii todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyey magaa magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar.
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, waxaana loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo la sheegay inuu leeyahay khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.
Xisbaaiyaha Guud ee cusub ayaa hore uga mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda SIMAD oo aasaasayaasheeda uu ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna markii dambe ka howlgalayay Bankiga Premier.
Waxaa xilka Xisaabiyaha Guud ee dowladda hore u hayey oo xilkaasi laga qaaday Faadumo Cusmaan Faarax oo jagadan loo magacaabay Oktoobar 2017.
Dhinaca kale Golaha Wasirada ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.
