Wednesday, May 21, 2025

Golaha Wasiirada xukuumadda Somalia oo ansixiyey heshiisyo lala saxiixday Turkiga iyo Rwanda (Sharciga Burcad badeedka..)

 Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta ku ansixiyey heshiisyo lala galay dalal dhowr ah iyo dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahad Guuleed ayaa lasoo hordhihay sharcigan La-dagaalanka Burcad Badeedka oo xilligan Soomaaliya aan ka jirin, kaasoo nidaaminaya dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975.

Waxaa kaloo kulanka Golaha Wasiirada lagu meel mariyay heshiiska laba geesood oo dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Rwanda, kaasoo ku saabsan Duullimaadyada iyo heshiis kale oo dhex maray Somalia iyo Turkiga oo ku saabsan is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON