Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qaraar ‘Gooni goosiga’ u aqoonsanaya inuu ka mid yahay Khataraha Amniga Qaranka dalka.
Shirkii toddobaadlaha ee Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, kaaso uu soo diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka ee raacsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraarkan ayaa lagu saleeyay aragtida cusub Amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo nooqnaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna kala yihiin::
1. Argagixisada;
2. Aragtida Gooni-goosadka;
3. Dowlad-nugeylka;
4. Xuduudaha Beylahda;
5. Faragelinta Shisheeye;
6. Isbeddelka Cimilada;
7. Khatarta Tiknoolajiyadda;
8. Khataraha Bulshada;
Waa markii ugu horeysay ee halis Amni Qaran ah la gaarsiiyo fekerka iyo ka shaqeynta kala goynta dalka, taasoo keeneysa inay dowladda Soomaaliya u aqoonsatay Somaliland xaalad Amni Qaran oo halis ku ah jiritaankeeda.
Qaraarkan oo ah mid ku kooban Golaha wasiirada oo aan loo gudbin doonin Baarlamaanka Federaalka ayaa saameyn culus ku yeelan doona maamulka Somaliland oo wixii hadda ka danbeeya noqon doona caddow ay Soomaaliya leedahay sida Alshabaab.