Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta yeeshay ku ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayay golaha wasiirada ku ansixiyeen labada xeer ee ugu muhiimsan kuwaas oo kala ah Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo muran badan ka taagan yahay.
Labada Xeer ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doonayaa in lagu hago doorashada soo socota ee dalka, isagoo ku adkeysanaya inay dalka ka dhacdo Doorsaho ‘QOF IYO COD’ ah, taasoo wajaheysa caqabado badan.
“Xeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka oo dhan ka dhaca, muwaadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalka”. ayaa ka mid ahaa Warka uu saxaafadda la wadaagay afhayeenka Ra’iisal Wasaaraha.
Xeerkan ayaa ku saleysan isbedel lagu sameeyay qeybo ka mida Dastuurka KMG ah, kaasoo weli qabyo ah iyo in Madaxweynaha toos loo doorto, laba xisbi siyaasdeed iyo muddo xileed 5 sano ah.