Golaha Wasiirada xukuumadda Soomalaiya ayaa shirkoodii maanta ku ansixiyey soo jeedin ku saabsan Xil safiir oo loo magacaabayo madaxweynihii hore ee Puntland.
C/xakiin C/llaahi Camey oo xilliyadii ugu danbeeyay saaxiibo dhow la ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadda Kheyre ayaa xilka safiir ka helay dowladda Soomaaliya iyadoo aan la shaacin dalka loo diri doono, sida caaddada u ah xukuumadda oo kaliya ansixia magacyada safiirada.
Kulankii golaha Wasiirada ee maanta ayaa safiirkan lagu ansixiyay sida ay shaaciyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Warar Xul ah