Kulan aan caadi ahayn o oay maanta yeesheen Gollaha Wasiiradda Xukuumadda xilgaasiinta ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii hore Maxamed Aden Koofi.
War kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lag usheaciyey in Golaha Wasiirada ay ansixyeen magacaabista C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo loo magacabaay Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaaliya. Ninkan ayaa saaxiib dhow la ah Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Magacaabiddan ayaa la sheegay inay ku timid soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha. waxaa sidaa xilkii ku waayey Agaasimihii hore Maxamed Aden Koofi oo muddo dheer xilka soo hayey.
Dhinaca kale Gollaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyay in Eng. Abdulkadir Aden Maxamuud loo magcaabo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed kadib soo jeedin Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

