Friday, March 14, 2025

Golaha Wasiirada oo kulan degdega loogu yeeray iyo magacaabid Taliyeyaal cusub oo la filayo

Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Federaaka ayaa caawa shir degdega loogu yeeray, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan kulanka oo lagu wado in xilal sare lagu magacaabo.

Kulanka ayaa la sheegay in lagu ansixin doono magacaabidda qaar ka mida taliyeyaasha ciidamada sida Booliska, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu Ra’iisal wasaaraha u gudbiyey taliyeyaal uu magacaabay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Jeneraal Saadaq Joon oo xalay uu Madaxweyne Xasan Sheekh wareegto kusoo saaray in loo soo celiyey darajadiisii ciidan loo magacaabi doono taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, isagoo ka tegaya xilka Xildhibaannimo ee Golaha Shacabka. Xilalka la filayo in caawa lagu magacaabo waxaa Guddi cusub oo qaabilsan abaaraha.

Ad

Ra’iisal wasare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhowaan sheegay in xilalka laga qaadi doono mas’uuliyiin badan, isla markaana xildhibaannada iyo odayaasha dhaqanka laga rabo inaysan taageerin qofkii xilka laga qaado marka uu mucaarad noqdo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON