Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan deg-dega oo uu Galabta yeeshay ku ansixiyey Heshiiskii soo saarista Shidaalka iyo Gaaska ee dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Golaha Wasiirada hor geenay heshiiska, wuxuuna sheegay inuu Soomaaliya u horseedayo in si degdega loo saaro shidaalka iy gaaska muddo sanad gudihiis ah.
Wasiirku wuxuu sheegay Turkiga ay ku wareejin doonaan Xogta sahanka laga qaaday baarisyadii hore, ayna rajo badan ka qabaan in Soomaaliya loo qodi doono, loona soo saari doono shidaal ay horumar ku gaari doonto.
“Shirkadda Turkiga haddii ay howl bilowdo waxaa dhici doonta in 3 bilood kadib ay qodista shidaalka bilaabaan oo sanad gudihiisa natiijo lagu helo” ayuu yiri Wasiirka Batroolka.
Shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay in sidoo kale lagu meelmariyey Wax ka beddelka Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada iyo Xeer nidaamiyaha Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka.