Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta ku meelmariyay Xeer Gole wasiiro oo lagu maamuli doono Hay’adda NISA.
Xeerkan oo ah mid ku kooban Golaha Wasiirada ayaa daba jooga Sharcigii Hay’adda ee Baarlamaanku ansixiyay oo dhaqan galay, waxayna Golaha Wasiirrada lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security).
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale maanta lagu dhageystay warbixin ku saabsan Xaaladda amniga iyo Fatahaadda dalka ku dhufatay oo ay golaha warbixin ka siiyeen Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha.