Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta ku ansixiyey miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2020-ka, iyadoo uu koror weyn ku jiro.
Kulanka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la soo hordhigay miisaaniyadda miisaaniyadda dowladda ee sanndka 2020, taasoo lacag haareysa 469.5 Milyan oo Doolar, waxaana golaha hor keenay Wasaaradda Maaliyada, iyadoo warbixin golaha ka siiyey wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, isagoo sheegay in kororka miisaaniyadda ay ugu wacan tahay Dakhliga gudaha laga aruriyo oo sare u kacay.
Waxaa xusid mudan inaan weli xisaab xir lagu sameyn Miisaaniyadii 2018, isla markaana dib u noqosho lagu sameeyay miisaaniyadda sanadkan sii dhammaanaya ee 2019, waxaan weli la hor geynin Baarlamaanka,
Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo intii ay talada qabatay sanadkii 2017, waxay ku fashilantay inay xisaab celin u celiso Baarlamaanka, waxaana kaliya oo xisaab xir lagu sameeyay sanadkii 2017 oo intiisa badan ay diyaarisay dowladii Xasan Sheekh xilli laba sano ku dhowaad laga soo wareegay.