Sunday, March 16, 2025

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Qaraarka Maareynta Maaliyadda, Sharci iyo Heshiis Dalka Qatar..

Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob.

Qaraarkan ayaa ku saabsan Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Ad

Shirka ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON