Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey magacaabista Taliyaha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi.
Taliyaha cusub waxaa magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana Golaha u soo jeedisay Wasaaradda Amniga, iyadoo muddo ka badan 6 bilood la hadal hayey magacabiddan.
Jeneraal Asad Diyaano ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, isagoo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Sidoo kale wuxuu laba jeer isu sharxay xilka Madaxweynaha Puntland.
Shirka Golaha Wasiirrada waxaa maanta guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Xalay ayay ahayd markii xaflad sagootin ahayd Madaxweyne Xasan Sheekh u sameeyay Taliyihii hore ee Booliska Sulub Ahmed, iyadoo loo dalacsiiyay Darajada Sareeye Gaas.
Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada NEW YORK ayaa isla xalay Jeneraal Sulub u magacaabay xilka Wasiir kuxigeenka Howlaha guud & Hawada.