Shir aan caadi ahayn oo ay caawa yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey magacaabidda laba safiir oo cusub.
Magacaabidan oo ka timid Madaxweynaha, ayna soo jeedisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayay golaha wasiirada ku ansixiyeen magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah:
1. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir
2. Yuusuf Axmed Jeego – Safiir
Labadan safiir ayaan la sheegin dalalka ay ka howlgeli doonaan, waxaana kulanka Golaha Wasiirada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre,sidoo kale lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka.