Golaha wasiirada cusub ayaa lagu wadaa in goor dhow lagu dhawaaqo iyadoo xaflada qabanqaabada magacaabidda xukuumadda ay ka socoto xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Dhinaca wasiirada waxay wararku sheegayaan inay u badan yihiin 20-kii wasiir oo shan kale lagu daray iyadoo qaar ka mida laga saaray liiskii hore, qaarna la isku shaandheeyay wasaaradahooda.
[ad name=”HTML-4″]
Waa xukuumadii saddexaad ee uu soo dhiso Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid tan iyo markii uu Ra’iisal wasaare noqday wuxuuna dib ula noqday laba xukuumadood oo tan caawa ka horeeyay.
Wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha ayaa intooda badan xildhibaanada laga qaatay waxaana ku jira xubno hore iyo kuwo cusub, iyadoo daqiiqadihii ugu danbeeyay isbedel ku socdo liiskaasi.. magacyada qaar ayaa la kala bedelayaa daqiiqadaha ugu danbeeyay sida dhacday xukuumadihii hore.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]