Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin kasoo saaray nin la-taliye hore ugu ahaa Guddoomiyaha Aadan Madoobe iyo Mac-had la sheegay inuu hoostago Baarlamaanka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed lagu ogeysiiiyay in shaqsiga magaciisa la yiraahdo Mahad Axmed Xaaji uu mar ahaa la-taliyaha guddoomiyaha golaha shacabka, sanadkii 2022-kii ilaa bilowgii sanadkii 2023-kii, balse shaqada laga eryay Bishii November 2023-kii ka dib markii uu ku dhaqaaqay qaladaad iyo waxyaabo ka baxsan howshii loo igmaday.
“Waxaan u sheegeynaa dadka Soomaaliyeed iyo cid walba oo uu la xiriiray in uusan hada ahayn la-taliyaha guddoomiyaha Golaha Shacabka sidoo kalena uusan jirin Machad la yiraahdo Machadka Baarlamaanka Bariga Afrika (Horn and East Africa Parliamentary Institute) oo hoos yimaada Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri wargelinta kasoo baxday Golaha Shacabka.
Waxaa sidoo kale lagu wargeliyay hay’adaha kala duwan in shaqsigaas uusan meelna ku matali karin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.