Golaha Dhaqanka SSC oo shir ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal dhowaan kasoo yeeray Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay raalli ka tahay dagaalka Laascaanood.
Garadka oo aan lagu magcaabin Qoraalka ayaa dowladda Federaalka looga mahad celiyay gurmadka dadkii ku dhaawacmay dagaalka Laascaanood, iyagoo codsaday inaysan simin SSC iyo kuwa dalka kala goynay,.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA SSC
GOLAHA SARE EE DHAQANKA SSC
SUPREME COUNCIL OF SSC
LAASCAANOOD, SOOL, SO.
RefNo: 23/107/20120/1
WAR-MURTIYEED 20 Luulyo, 2023.
Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo waxay isugu yimaadeen shir 20-ka bisha todobaad magaalada Laascaanood, waxayna soo saareen qodobadan:
1. Waxaan ka raaligalineynaa Dowladda Federalka Soomaaliya hadalkii ahaa in DFS raali ka tahay duqeynta Laascaanood.
2. Waxaan ka codsaneynaa Dowladda Federalka Soomaaliya in anay na simin anaga oo midnimada Soomaaliya u dhimaneyna iyo kuwa dalka kala goynaya.
3. Waxaan uga mahadcelineynaa Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugu soo gurmadeen dhaawacyadii iyo dadkii ka barakacay magaalada Laascaanood iyo taageeradooda kaleba.
4. Waxaan Dowladda Federalka Soomaliya iyo shacabka Muqdisho uga mahadcelineynaa soo dhaweyntii diiraneyd ee ay u sameeyeen Isimada SSC- Khaatumo markii ay booqashada ku tageen Muqdisho.
5. Waxaan Dowladda Federalka Soomaaliya ka codsaneynaa in ay sugto xuquuqda dadka iyo deegaanada SSC-Khaatumo ee ay mas’uulka ka tahay, soona dadajiso wixii ay xaq ugu lahaayeen Dowladda
6. Waxaan ka codsaneynaa beesha Caalamka caawimo degdeg ah oo ay la soo gaaraan dadka laga bara kiciyey SSC-Khaatumo.
Garaad Cabdisalan Xasan Maxamed,
Afhayeenka Golaha Dhaqanka SSC-Khaatumo