Friday, March 28, 2025

Golaha Amniga Qaranka Dalka Iiraan oo Mareykanka ugu hanjabay Jawaab & Aargudasho xanuun badan oo gilgisha…

Golaha Amniga Qaran ee dalka Iiraan kulan degdeg ahaa oo ay lahaayeen soo gabagabeeyay, iyagoo ka arrinsaday jawaabta ay Iiraan ka bixineyso falkii ciidamada Mareykanka ku dileen taliyihii ciidamada Qudus Gen. Qasim Suleymani.

Warka laga soo saaray kulankii Golaha Amniga Qaran Iiraan ayaa lagu sheegay in dilkii Gen. Qasim Suleymani uu ahaa tallaabo gardarro iyo khaladkii ugu weynaa ee istiraatiiji ah, isla markaana jawaabta Iiraan ay noqon doonto mid xanuun badan oo saameyn ku yeelata Gobolka oo dhan, kana shalaayi doonaan Mareykanka.

Tallaabada ay Iiraan qaadi doonto ee jawaab iyo aargudashada u ah dilka Gen. Qaasim Suleymani ayey Iiraan caddeysan inuu ka dhici doono oo saameyn ku yeelan doona gobolka Bariga dhexe oo dhan. Arrintaas ayaa loo fasiray in aargudashada Iiraan ay noqon doonto in kooxaha ku xiran oo dhan ay ka qeyb qaadan doonaan.

Ad

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo maanta oo dhan ka aamusnaa natiijada ka dhalatay amarka uu bixiyey ee lagu dilay Jeneraalka reer Iiraan ugu awoodda badnaa ayaa goor dhoweyd bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku difaacay go’aankiisa.

Madaxweyne Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Iiraan weligeed dagaal kuma aysan guulaysan balse weli wadahadal ma aysan waayeen!”. wuxuu daba dhigay qoraal kale oo uu ku sheegay in Jen. Suleymani uu mas’uul ka ahaa dilka muwaadiniin Mareykan ah iyo dad kale oo fara badan, haddana ay ka hortageen isagoo qorsheynayay weerarro kale, mar horena ay ahayd in la dilo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON