Friday, March 28, 2025

Golaha Amniga Q/Midoobay oo War kasoo saaray Weerarkii Xalane iyo Qaraxyadii Beledweyne

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne, 23-kii March 2022.

Weerarradan oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab ayaa lagu dilay ku dhowad 70 qof, waxaana lagu dhaawacay in ka badan 100 kale.

Warsaxaafadeedka Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaas, iyaga oo u rajeeyeen kuwa dhaawaca ah in ay si degdeg ah u bogsadaan.

Ad

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisada ah, lana horkeeno caddaaladda” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku boorriyeen dhammaan Dowlad-goboleedyada, ‘si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya’ inay si firfircoon ay ula shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.

“Xubnaha golaha amaanka waxay ku celinayaan in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaallo kasta oo ay leedahay ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay xaqiijinayaan in dhammaan falalka argagixisanimada ah ay yihiin dambiyo, isla markaana aan qiil loo heli karin, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysata” ayaa ka mid ahaa Qoraalka kasoo baxay Golaha Ammana ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay ka walaacsa yihiin khatarta Al-shabaab ee Nabadda iyo Ammaanka Somaaliyaa iyo Gobolka. waaxayna ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan gunaanadka hannaanka doorashada ee socota, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON